Saturday, August 31, 2013

HEESTII TILIFOON EE MAXAMED AADAN HIMIL HD

Thursday, August 29, 2013

Sanad Guuradii 50aad ee xuska halyeygii dadka madow ee maraykanka

Kumanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay Fagaaraha National Mall ee ku yaal Caasimadda Dalka Mareykanka ee Magaalada Washington si ay u xusaan sanad-guurihii 50-aad ee ka soo wareegay Markii Halgamaagii Mareykanka madoow Dr Martin Luther King Jr uu qabtay isku soo bax iyo socod, kaas oo ay kala qeybgaleen dadka madowga ah ee Mareykanka si ay meel uga soo wadajeestaan arimaha midab takoorka ee berigaas. Isku soo baxaas oo la qabtay 28.Bishii Agoust Sanadkii 1963 kii ayaa waxaa khudbad caan baxday oo loogu Magacdaray waxaan leeyahay riyo ( I have a dream) ka jeediyay Dr King oo ahaa nin isagu si weyn ugu dhaqdhaqaayay dadka Mareykanka ee Madow. Ka qeybgalayaasha 50 Guuradan ka soo wareegtay xilligii uu Riyada uu qabo Muujiyay Martin Luther King ee lagu qabtay Washington ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Mareykanka President Obama oo isagu ah Madaxweynihii u horeeyay ee madow ah ee qabta talada dalkan Mareykanka, waxaa kale oo ka qeybgalay Madaxweynayaal hore oo Dalka Mareykanka soo xukumay sida Clinton iyo Carter, Sidoo kale waxaa ka qeybgalay kumanaan shacab Mareykan ah oo kakala yimid gobolada dalkan Mareykanka. Goobta ayaa waxaa ka hadlay dad bulshada magacweyn ku leh oo isugu jira siyaasiyiin iyo u dhaqdhaqaaqayaasha Xuquuqda dadka, waxaana ay muujiyeen 50 sano ka dib in Riyadii Dr King ay wax badan ka qabsoontay, iyaga oo sidoo kale, codsadayna dhameystirka Riyadiisii waqtigaas. "Shaqadu may idlaan, Safarkuna ma dhamaan", ayuu yiri mid ka mid ah Caruurta uu dhalay Dr King. " Aragtida aabahey ee 50 sano ka hor waxay ahayd in Afartiisa caruurta ah ee waqtigaa aadka u yaraa aysan kusii dhex noolaan qaran midabkooda lagu soo cayo, ee aan shaqsiyadooda lagu tixgelin" ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Si kastaba ha ahaatee Martin Luther King oo ah Halyeey u soo halgamay Xoriyadda dadka Madow ee Mareykanka iyo sinaanshaha shcuubta ku nool Mareykanka ayaa ah shaqsi aad loo jecel yahay islamarkaana ka tagay dadaal mirodhalkiisa qeybaha ugu badan maanta la hayo, Waxaana Taallo sawirkiisa ah oo lagu xasuusan doono sanado kahor laga taagay Bartamaha Caasimadda Mareykanka ee Washington.

Saturday, August 24, 2013

Getting the most from your 336x280 ad unit - Inside AdSense

Getting the most from your 336x280 ad unit - Inside AdSense

Shahrukh Khan oo wiil bacrimin ah loo dhalay






 Aktarka Bollywood Shah Rukh Khan ayaa waxaa u dhashay wiil isagoo ugu magacdaray Abram Khan.
Waxaa uu Shahrukhan uu wiilkan ku dhalay qaab bacrimin ah iyadoo lagu abuuray haweeney kale oo aan xaaskiisa aheyn waxaana markii ay dhashay lagu qoray magaciisa. maadaama ay xaaskiisa waayahaan ay kasoo haleebayeen caruurta ay uurka ku qaaddo sidaas darteed ayuu Shahrukh ku sameeyay bacriminta haweeney kale.
Jilaagan ayaa waxaa horey ugu joogay wiil iyo gabar kale waxaana haatan uu helay cunugiisii sedexaad.
India oo ah dal aan la ogoleyn in caruurta uurka ku jirta la ogaado jinsiga uu wiil ama gabar yahay darteed ayaa waxuu King Khan sheegay in uu horey u ogeyn waxa uu rajeynayay balse uuka war helay kaliya markii uu u dhashay cunuga.
Sababta loo diiday India in la ogaado ilmaha uurka ku jiro ayaa ah in ay dadka India kala doortaan in caruurta laso xaaqo haduu gabar yahay maadaama dalkaasi laga jecelyahay wiilasha in la dhalo , sidaas darteed Shahrukhan waxuu yiri aniga ma dooneyn inaan jabiyo qaanuunka oo waxaan ku qanacsanahay waxaan helo.
Waxaa dad badan la yaabeen sababta uu Shahrukh u sameeyay arrintan maadaama uu lahaa caruur kale balse waxuu yiri dhibaato ayaa xaaskeygii ay la kulantay waxaana go’aansanay inaan dhalno cunug kale iyadoo ay noo qaadeeso naag kale.

Wednesday, August 21, 2013

ABWAAN XASAN DAAHIR OO YAR KANA HADLAYA WAX MAANTA TAAGAN

NASIYAAY MAR NUURAAY NALKA MAANKA DAARAAY (MURSAL MUUSE CUMAR)

Ma habeen Kaliyey Nimco Yaasiin

Heestii Looli (Mursal Muuse Cumar & Khadra Cabdi Silimoo)

Maxamed BK Faadumo

M O Faarax aniga Somaliweyn baa ahay Somaliland ma ahi

Hawraar-Oradyahanka Mo Farah ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay qoraalo lagu baahiyey qaar ka mid ah websiteyada soomaalida kuwaasi oo sheegay in oradyahankani uu sheegay in uu yahay Soomaaliland uusan ahayn Soomaaliya.

HEES CUSUB-BAKAR YARE IYO NADIIF


Farxiya Fiska- Heesta Cusub ee Dugsiiya


Waan naaxi lahaa-Maxamed Cirro iyo Xamda Cabdi Kinaal


Qalbi kuu hiloobay-Al-fannaan Maxamed Axmed Bakaal (Cirro)


Farxiya Rasta- Heesta waa ii bushaaro-HD


Asma Axmed Cabdi -Heesta Qalbi HD


Farxiya Rasta- Heesta nafta waxaan ku sasabaa-qiso jacayl ah


Heesta Nasiib-Asma Cabdi (Asma love)


Heesta Khadra Sinimoo iyo Maxamed Bk