Thursday, August 29, 2013

Sanad Guuradii 50aad ee xuska halyeygii dadka madow ee maraykanka

Kumanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay Fagaaraha National Mall ee ku yaal Caasimadda Dalka Mareykanka ee Magaalada Washington si ay u xusaan sanad-guurihii 50-aad ee ka soo wareegay Markii Halgamaagii Mareykanka madoow Dr Martin Luther King Jr uu qabtay isku soo bax iyo socod, kaas oo ay kala qeybgaleen dadka madowga ah ee Mareykanka si ay meel uga soo wadajeestaan arimaha midab takoorka ee berigaas. Isku soo baxaas oo la qabtay 28.Bishii Agoust Sanadkii 1963 kii ayaa waxaa khudbad caan baxday oo loogu Magacdaray waxaan leeyahay riyo ( I have a dream) ka jeediyay Dr King oo ahaa nin isagu si weyn ugu dhaqdhaqaayay dadka Mareykanka ee Madow. Ka qeybgalayaasha 50 Guuradan ka soo wareegtay xilligii uu Riyada uu qabo Muujiyay Martin Luther King ee lagu qabtay Washington ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Mareykanka President Obama oo isagu ah Madaxweynihii u horeeyay ee madow ah ee qabta talada dalkan Mareykanka, waxaa kale oo ka qeybgalay Madaxweynayaal hore oo Dalka Mareykanka soo xukumay sida Clinton iyo Carter, Sidoo kale waxaa ka qeybgalay kumanaan shacab Mareykan ah oo kakala yimid gobolada dalkan Mareykanka. Goobta ayaa waxaa ka hadlay dad bulshada magacweyn ku leh oo isugu jira siyaasiyiin iyo u dhaqdhaqaaqayaasha Xuquuqda dadka, waxaana ay muujiyeen 50 sano ka dib in Riyadii Dr King ay wax badan ka qabsoontay, iyaga oo sidoo kale, codsadayna dhameystirka Riyadiisii waqtigaas. "Shaqadu may idlaan, Safarkuna ma dhamaan", ayuu yiri mid ka mid ah Caruurta uu dhalay Dr King. " Aragtida aabahey ee 50 sano ka hor waxay ahayd in Afartiisa caruurta ah ee waqtigaa aadka u yaraa aysan kusii dhex noolaan qaran midabkooda lagu soo cayo, ee aan shaqsiyadooda lagu tixgelin" ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Si kastaba ha ahaatee Martin Luther King oo ah Halyeey u soo halgamay Xoriyadda dadka Madow ee Mareykanka iyo sinaanshaha shcuubta ku nool Mareykanka ayaa ah shaqsi aad loo jecel yahay islamarkaana ka tagay dadaal mirodhalkiisa qeybaha ugu badan maanta la hayo, Waxaana Taallo sawirkiisa ah oo lagu xasuusan doono sanado kahor laga taagay Bartamaha Caasimadda Mareykanka ee Washington.

No comments:

Post a Comment