Saturday, August 24, 2013
Shahrukh Khan oo wiil bacrimin ah loo dhalay
Aktarka Bollywood Shah Rukh Khan ayaa waxaa u dhashay wiil isagoo ugu magacdaray Abram Khan.
Waxaa uu Shahrukhan uu wiilkan ku dhalay qaab bacrimin ah iyadoo lagu abuuray haweeney kale oo aan xaaskiisa aheyn waxaana markii ay dhashay lagu qoray magaciisa. maadaama ay xaaskiisa waayahaan ay kasoo haleebayeen caruurta ay uurka ku qaaddo sidaas darteed ayuu Shahrukh ku sameeyay bacriminta haweeney kale.
Jilaagan ayaa waxaa horey ugu joogay wiil iyo gabar kale waxaana haatan uu helay cunugiisii sedexaad.
India oo ah dal aan la ogoleyn in caruurta uurka ku jirta la ogaado jinsiga uu wiil ama gabar yahay darteed ayaa waxuu King Khan sheegay in uu horey u ogeyn waxa uu rajeynayay balse uuka war helay kaliya markii uu u dhashay cunuga.
Sababta loo diiday India in la ogaado ilmaha uurka ku jiro ayaa ah in ay dadka India kala doortaan in caruurta laso xaaqo haduu gabar yahay maadaama dalkaasi laga jecelyahay wiilasha in la dhalo , sidaas darteed Shahrukhan waxuu yiri aniga ma dooneyn inaan jabiyo qaanuunka oo waxaan ku qanacsanahay waxaan helo.
Waxaa dad badan la yaabeen sababta uu Shahrukh u sameeyay arrintan maadaama uu lahaa caruur kale balse waxuu yiri dhibaato ayaa xaaskeygii ay la kulantay waxaana go’aansanay inaan dhalno cunug kale iyadoo ay noo qaadeeso naag kale.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)

No comments:
Post a Comment